Home » WARARKA » Dhageyso:-Qowmiyado ay Soomaali ku jirto oo ku dagaalamay Kenya

Dhageyso:-Qowmiyado ay Soomaali ku jirto oo ku dagaalamay Kenya

Haweeneyda koowaad ee Baarlamaanka ugu jirta Magalada Gaarisa Marwa Canab Suubow Guure ayaa sheegtay in aan loo dul qaadan karin gubida guryaha iyo dadka la dilayo, waxaana ay Soomaalida ugu baaqday in ay joojiyaan gubida guryaha iyo dagaalka,isla markaana iyada ay ka warsugaan.

Waxaa sidoo kale ay qowmiyada Soomaaliya u sheegtay inay garab taagan tahay,isla markaana ay ka warsugaan waxwalbana wadahadal iyo xalis lagu dhameeyo,sidoo kalena ay la wadaagi doonto Madaxda dowladda Kenya.

Si kasataba dowladda Kenya ayaa shaacisay inay dad badan usoo qab qabatay dagaalkaas ku dhexmaraya qowmiyadaha kasoo kala jeeda degmada Isiyoola iyo Magalada Gaarisa,isla markaana xasilooni badan ay kuso noqotay deegaanadii lagu dagaalamay.

Dhageyso Codka Haweeneyda koowaad ee Baarlamaanka ugu jirta Magalada Gaarisa Marwa Canab Suubow.

About wadani

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*