Home » CIYARAHA » Simeone oo amaan ugu qubeeyay Ronaldo kahor kulanka caawa ka dhici doono garoonka Wanda ee tartanka Champions League

Simeone oo amaan ugu qubeeyay Ronaldo kahor kulanka caawa ka dhici doono garoonka Wanda ee tartanka Champions League

(Madrid) 18 Sebt 2019. Macalinka kooxda Atlético Madrid ee Diego Simeone ayaa tilmaamay in Cristiano Ronaldo uu bahal ku yahay afaafka hor ee goolka, wuxuuna hadalkiisan imaanayaa shir jaraa’id uu ka soo muuqday kahor ciyaarta ay caawa labada kooxood  ku ciyaari doonaan taranka Champions League.

Garoonka Wanda Metropolitano ayaa caawa marti galin doono kulanka la wada sugayo caawa ay labada kooxood Atlético Madrid iyo Juventus kaga daah furan doonaan heerka group-yada taranka Champions League ee xilli ciyaareedkan.

Macalinka reer Argantina ee Diego Simeone ayaa shir jaraa’id uu ka soo muuqday kahor ciyaarta caawa waxaa hadaladiisa ka mid ahaa:

“Juventus, qof kasta oo uu tababarahu yahay, had iyo jeer waa koox tartameysa, waa koox xoogan, xilli kasta waxay ku tiirsan yihiin ciyaartoy tayo xoogan leh”.

Intaas kaddib Diego Simeone ayaa wuxuu ka hadlay guuldaradii ay kala kulmeen xilli ciyaareedkii hore wuxuuna yiri:

“Wixii faahfaahin ah waxaan kala hadalnay ciyaartoyda, kama hor sheegi doono warbaahinta, laakiin waxaa jira waxyaabo ay tahay in la wanaajiyo”.

Ugu dambeyntii Diego Simeone ayaa wuxuu hadalkiisa ku soo xiray ka hadalka weeraryahanka reer Portugal ee Cristiano Ronaldo wuxuuna yiri:

“Wey adag tahay in wax laga qabto ciyaartoy isaga oo kale ah, wuxuu bahal ku yahay goolka hortiisa, marka uu kubadda heysto wuxuu abuuraa halis, mana sahlana inaad xakameyso isaga”.

About wadani

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*