Home » WARARKA » Dhageyso:-Madaxweyne Xaaf oo hadal lama filaan ah ka sheegay Shirka Muqdisho

Dhageyso:-Madaxweyne Xaaf oo hadal lama filaan ah ka sheegay Shirka Muqdisho

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ka qeyb-galaya Shirka Caalamiga ah ee Madasha Iskaashiga ayaa ka hadlay dhinacyada,Siyaasada, Dhaqaalaha iyo Amniga iyo maqnaashaha Maamulada Jubbaland iyo Puntland.

Madaxweyne xaaf oo ka hadlayay Arrimaha Siyaasadda ayaa waxaa uu sheegay inay Shirka ka maqan yihiin Saaxiibo muhiim ah,hayees uu sheegay in uu raja weyn ka qabo inay wadaa-Shaqeeyaan dowladda Federaalka iyo Maamul goboleedyada.

Sidoo kale xaaf oo khudbadiisa soo koobay ayaa amaan iyo bogaadin waxaa uu u jeediyay Ra’iisul Wasaaraha soomaaliya oo markii hore shirka ksuoo dhaweeyay halkaasna ka sheegay in Xaaf la’aantiis aan la gaari laheyn wax horumar ah.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa kamid ah siyaasiyiinta dhaliilsan Madaxda Dowladda federaalka Soomaaliya,waxaana uu ahaa Siyaasi an looga baran hadalladii Maanta,isaga oo Madaxda dhaliili jiray.

Audio Player

About wadani

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*