Home » WARARKA » Muuse Biixi oo cafiyay Ciidanka Korneyl Caare shuruudna hor-dhigay

Muuse Biixi oo cafiyay Ciidanka Korneyl Caare shuruudna hor-dhigay

RadioWadani-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta oo Axad ah waxaa uu ku dhawaaqay in uu cafis u fidiyey Ciidamada Korneyl Caare oo mar kamid ahaa Saraakiisha Ciidamada Soomaaliland balse ka goostay dagaalna la galay.

Muuse Biixi oo Maanta Hargeysa kula kulmay Guddi dhex-dhexaadin ahaa oo u badnaa  Odayaasha Beesha uu kasoo jeedo Korneyl Siciid Cawil Jaamac (Caarre) oo uu hoggaaminayay Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani ayaa sheegay in dhamaan uu cafiyey ciidamada Korneylka ka barbar dagalaalamay,hayeeshee uu shuruud ku xiray in korneylka ay Cafinayaan.

Muuse Biixi ayaa sidoo kale shuruud ku xiray in uu cafiyo Korneyl Cawil Siciid Jaamac(Caare) ,isaga oo shuruud uga dhigay in uu dalka dibada uga baxo Caare soona dalbado cafis mudo kadib iyo in uu yimaado taliska guud ee ciidanka ee Magaalada Hargeysa.

Si kastab lama oga in Korneyl Caare uu aqbali doono hadalkaan kazoo yeeray Madaxweynaha Soomaaliland, iyada o horay dhowr mar dagaalo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah uu dhex-maray Ciidamada Soomaaliland iyo kuwa Korneyl Caarre oo la magac baxay Jabhadda dulmi-diid.

About wadani

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*