Home » WARARKA » Wasiirkii Amniga Jubbaland oo Maxkamad la horgeeyay

Wasiirkii Amniga Jubbaland oo Maxkamad la horgeeyay

RadioWadani-Maanta waxaa Maxkamada Gobolka Banaadir la horgeeyay Wasiirkii Amniga Maamulka Jubbaland  Cabdirashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan ) kaas oo dowladda Soomaaliya ay Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada Muqdisho ka xirtay 31-kii Bishii Agoosto ee sanadkan 2019.

Eedeysane Cabdirashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan ) ayaa waxaa Maxkamadda Maanta lala keenay Buulle Aadan Maxamed oo ahaa taliyihii Ciidamo ka howl geli jiray Doolow iyo Beled Xaawo,waxana mas’uuliyiintaan loo heystaa  eedeymo la xiriira xadgudub dhanka bani’aadannimada oo ka dhacay Degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

Xariga ay Dowladda Soomaaliya u geystay Wasiirkii Amniga Maamulka Jubbaland  Cabdirashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan ) ayaa waxaa horay uga dhashay banaanbaxyo ay dhigayeen Shacab kazoo horjeeda xarigiisa,waxaana Hay’adaha Amniga Soomaaliya ay sheegeen in cadaaladda la marsiin doono.

About wadani

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*