Home » CIYARAHA » Garsooraha Qabanaya Kulanka Man United Iyo Liverpool Oo La Magacaabay

Garsooraha Qabanaya Kulanka Man United Iyo Liverpool Oo La Magacaabay

RadioWadani:16-10-2019-Ole Gunnar Solskjaer ayaa wajihi kara xaalad la mid ah Jose Mourinho ka dib markii garsoore Martin Atkinson loo magacaabay inuu dhexdhexaadiyo kulanka Premier League ee Manchester United iyo Liverpool ee Axada.

Solskjaer ayaa cadaadis weyn ku hoos jira iyadoo United ay badisay kaliya labo kulan oo ka mid ah sideedii kulan ee la ciyaaray horyaalka xilli ciyaareedkan.

Taas bedelkeeda Liverpool waxa ay wada badisay dhamaan sideeda kulan ka hor kulanka ay booqaneyso Old Trafford iyagoo horyaalka ku hogaaminaya sideed dhibcood.

Solskjaer ayaa shaqada tababare ee Manchester United la wareegay markii la ceyriyay tababare Jose Mourinho bishii December ee sannadkii hore.

Kulankii ugu danbeeyay ee tababaraha reer Portugal waxa ay Man United la ciyaartay Liverpool iyadoo uu garsoore ka ahaa Martin Atkinson.

Liverpool ayaa kulankaas 3-1 ku badisay ka dib labo gool uu dhaliyay Xherdan Shaqiri waxayna gabagabo u noqotay waayihii Mourinho ee Manchester United.

Laakiin garsoore Atkinson mar walba war xun uma ahan Man United madaama uu yahay garsooraha qabtay labadii kulan ee badiyeen xilli ciyaareedkan.

About wadani

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*