Home » WARARKA » Howlgallo ka socda Xaafado ka tirsan Dhuusamareeb

Howlgallo ka socda Xaafado ka tirsan Dhuusamareeb

RadioWadani-Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida Galmudug ayaa waxaa ay howlgallo kala duwan ka wadaan xaafado katirsan Magaalada Dhuusamareeb,howlgalladaas oo dad badan lagu qabtay.

Ciidamada ayaa wararka aan heleyno waxaa ay howlgallada si gaar ah uga fulinayaan Xaafado gaar ah oo bartimaad u ah Ciidamada, iyaga oo baadi goobaya dad ka ganacsanaya Maandooriyaha Khamriga.

Shalay Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida Galmudug waxaa ay howlgal kusoo qabteen dhalooyin Khamri ah iyo Saddex Ruux oo ka Ganacsanayay,waxaana khamriga lagu burburiyey Goob fagaaro ah oo ku taalla Dhuusamareeb.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada ay baadi goobayaan gawaari la sheegay inay  khamri sidaan,kuwaas oo soo galay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Taliyaha Saldhiga Booliska Dhuusamareeb Gaashaanle Cabdullaahi Xasan Macalin oo Warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in marnaba aan la ogolaan doonin dad ka Shaqeynaya waxyaabo lidi ku ah amniga gaar ahaan dadka Magalada soo gelinaya kuna dhex sameynaya maandooriyaha khamriga.

About wadani

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*