Home » WARARKA » U jeedka dowladda Somalia hubka farabadan uga dejisay Hobyo

U jeedka dowladda Somalia hubka farabadan uga dejisay Hobyo

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Saacadihii la soo dhaafay waxaa ay hub farabadan ka dejisay Dekadda Magaalada hobyo ee Gobolka Mudug hubkaas oo lagu geeyey Doomo dhowr ah.

Dadka degmada Hobyo qaarkood ayaa waxaa ay sheegeen inay arkeen hubkaas oo kasoo degaya dekadda Magaalada, isla markaana uu yahay mid aad u farabadan.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa dhinacooda waxaa ay sheegeen in hubkaas loogu talo galay  Ciidamada taliska qeybta21aad ee ka howlgasha deegaannada Galmudug ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Ciidamada qeybta 21aad oo dowladda Soomaaliya ay dib u dhis xoogan ku sameysay ayaa u diyaar garoobaya howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab sida ay dhowr sheegeen saraakiisha hoggaamineysa.

Dowladda Soomaaliya ayaa hdowr jeer waxa ay Ciidamo farabadan geysay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug,halkaas oo mudo 10 sano ka badan aysan ka howlgelin Hay’adaha Amniga Soomaaliya balse ay haatan ka howlgallaan.

About wadani

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*