Home » WARARKA

WARARKA

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Magaalo ka tirsan Jarmalka

Meydka muwaadinka Soomaaliyeed ayaa waxaa laga helay magaaladda Plauen ee gobolka Sachsen ee wadanka Jarmalka,waxaana uu u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray tooreey lagu dhuftay. Booliska Jarmalka ayaa waxaa ay sheegeen in Wiilka Soomaaliyeed oo ay tuhuhsan yihiin in uu ka dambeeyo dilkiisa Shaqsi kale oo Soomaali ah. Sidoo kale dad yaqaanay wiilka la dilay ayaa iyana waxaa ay sheegeen in ...

Read More »

U jeedka dowladda Somalia hubka farabadan uga dejisay Hobyo

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Saacadihii la soo dhaafay waxaa ay hub farabadan ka dejisay Dekadda Magaalada hobyo ee Gobolka Mudug hubkaas oo lagu geeyey Doomo dhowr ah. Dadka degmada Hobyo qaarkood ayaa waxaa ay sheegeen inay arkeen hubkaas oo kasoo degaya dekadda Magaalada, isla markaana uu yahay mid aad u farabadan. Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa dhinacooda waxaa ay ...

Read More »

Dagaal dhex-maray Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab

Dagaalkaan ayaa saakay waaberihii hore waxaa uu Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ururka Al-Shabaab ku dhexmaray Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose., Dagaalka ayaa yimid kadib markii xubno  katirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada Dowladda ay ku lee yihiin degmadaasi Awdheegle,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socday in ka badan hals saac. Dad ku sugan Awdheegle ayaa waxaa ay ...

Read More »

Puntland oo faah faahisay sababta ay u xireen Xafiisyadii ay furteen Wasiirada DFS

Maamulka Puntland ayaa faah faahin ka bixiyey sababaha ka dambeeya inay xiraan Xafiisyo ay deegaannada Dhahar iyo Goldogob ka furteen Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya. Wasiirada Xafiisyada la amray in laga xiro ee deegaannada puntland ka furtay ayaa waxaa ay kala yihiin Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo sanadkii 2017 furtay iyo Wasiirka qorsheynta ...

Read More »

Guddiga diyaarinta Sharciga doorashooyinka oo gaaray Dhuusamareeb

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug waxaa gaaray Wafdi ka socda Xubnaha Guddiga KMG ah ee  soo diyaarinta Sharciga doorashooyinka qaranka ee Baarlamaanka Soomaaliya. Wafdiga oo ka ambabaxay Magaalada Muqdisho ayaa marka hore tegay Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, iyaga oo uga soo gudbay dhinaca Magaalada Dhuusamareeb. Guddoomiyaha guddiga Doorashooyinka Ee Baarlamaanka Soomalaiya  Xildhibaan C/laahi Abuukar Xaaji {Eng.carab} ayaa hoggaaminaya ...

Read More »

Howlgallo ka socda Xaafado ka tirsan Dhuusamareeb

RadioWadani-Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida Galmudug ayaa waxaa ay howlgallo kala duwan ka wadaan xaafado katirsan Magaalada Dhuusamareeb,howlgalladaas oo dad badan lagu qabtay. Ciidamada ayaa wararka aan heleyno waxaa ay howlgallada si gaar ah uga fulinayaan Xaafado gaar ah oo bartimaad u ah Ciidamada, iyaga oo baadi goobaya dad ka ganacsanaya Maandooriyaha Khamriga. Shalay Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida Galmudug waxaa ay ...

Read More »

Mareykanka oo Wafdi u diraya dalka Turkiga

RadioWadani-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Talaadadii shalay ku dhawaaqay inuu dalka Turkiga u dirayo wafdi heer sare ah oo uu hogaaminayo ku xigeenkiisa Mike Pence, si ay Turkiga ugu cadaadiyaan inuu joojiyo dagaalka uu ku qaaday Waqooyiga Suuriya. Trump wuxuu sheegay in wafdigan oo uu sidoo kale ku jiro wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo ay Turkiga u amba bixi ...

Read More »

Wararkii ugu danbeyey qarax ka dhacay Gaalkacyo

RadioWadani-Taliyaha saldhiga Bartamaha Magaalada Gaalkacyo ee Puntland Cabdiqani xabuun ayaa ka bad baadey qarax loogu xiray Gaarigiisa. Wararka laga helayo Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in qarax loogu xiray gaarigiisa uu ka badbaaday Taliyaha  saldhiga Bartamaha Magaalada Gaalkacyo ee Puntland Cabdiqani xabuun. Taliyaha ayaa la sheegay in Gaarigiisa uu ogaaday in qarax uu ku ...

Read More »

Shaqaalihii dhismaha Golaha deegaanka oo isaga baxay Buulo-Burde

RadioWadani-Wararka Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in dhamaan degmadaasi isaga baxeen Shaqaalihii ku howlanaa dhismaha Golaha deegaanka. Qaar kamid ah dadka degmada ayaa xaqiijiyey tallaabadaasi,iyaga oo sheegay in mudo laba maalin ah ay dadka deegaanka tababar la xiriira dhismaha Golaha deegaanka u qabteen. In kastoo aan sirasmi ...

Read More »

Xasan Shiikh iyo wafdi uu horkacayo oo muqdisho kuso laabtay

RadioWadani-Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya waxaa Maanta dib ugu soo laabtay qeybtii ugu horeysay wafdigii tegay Magaalada Kismaayo ee ka qeyb-galay xafladii Caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam. Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehlinayaan Xildhibaano ka tirsan labada Aqal iyo Siyaasiyiin ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho. Xubnahaan ayaa intii ...

Read More »